27/12/2025
MAHADCELIN,
الحمد لله
Marka horee allah ayaa mahadleh subxanahu wa tacaala in oo fududeeyay diritanka wlaalki dhibtu soo gartay
waxaan sidoo kale mahad, qaddarin iyo duco aan la koobi karin u dirayaa dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee muujiyey damiir nool, qalbi naxariis leh iyo somalinimo dhab ah, xilligii uu dhaawacmay wiilkeennii musaafirka ahaa ee uu haleelay shilkii naxdinta lahaa
Maalintaas adag marka uu wiilku ahaa keligiis, dalkuna uu ahaa mid qalaad, qalbiyadiinna ayaa u noqday hoy, gacmihiinna waxay u noqdeen garab. Oohintiisii waxaad u beddesheen duco, cabsidiisiina waxaad uga dhigteyn rajo, kalinimadii siina waxaad uga dhigteyn walaaltinimo dhab ah. Falka aad muujiseen ma ahayn kaliya gargaar; wuxuu ahaa farriin nool oo muujinaysa in qof Soomaaliyeed uusan waligiis kali ku noqon meel kasta oo uu dunida ka joogo.
Waxaad dib u soo nooleyseen ruuxdii somalinimada
in walaalkaaga aad u istaagto adigoon weydiin qabiil, magac ama dano kale; in aad murugada la qaybsato, farxaddana la wadaagto. Tani waa dhaxalka aan leenahay, waana waxa inaga dhigaya bulsho sharaf leh, meel kasta oo aan joogno.
Qoraalkan sidoo kale waa baraarujin qalbiyeed in aynaan waligeen illoobin in midnimadeennu tahay badbaadadeenna, in kala fogaansho iyo danaysi ay dhaawac u geystaan sumacadeena Maanta wuxuu ahaa wiil musaafir ah, berri wuxuu noqon karaa midkeenna anaga
Sidaa darteed, ha noqoto jaaliyaddeennu mid mar walba u furan gargaar, naxariis iyo walaaltinimo dhab ah.
Ugu dambayn, waxaan mahad gaar ah u dirayaa qof walba oo gacan, hadal, duco, dhaqaale ama waqti ku bixiyey gargaarkan. Ilaahay ha idinka abaalmariyo, hana idiinka dhigo kuwo qalbiyadoodu mar walba u furnaadaan walaalahooda.
Ilaahay ha caafiyo wiilkeennii dhaawacmay, hana u fududeeyo axwaa shiisa . Hana naga dhigo kuwo mar walba ku mideysan wanaag, naxariis iyo somalinimo aan marnaba dhiman
Gulesta walalayal somalinimadu ha waarto
Mahadsanidiin dhammaantiin,
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Mozambique
Ali Osman Rage