11/02/2025
Xog: Xogaha soo baxaya ee amniga la xidhiidha ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu qorsheeyay weerarka duullaan ay ku soo qaadaan deegaannada maamulka SSCKH gaar ahaan jiidaha Xadhadhan, Shangeed Galgal, iyo Salinta.
Xogaha aanu helayno ayaa sheegaya in duulankan la qorsheeyay ay Somaliland u dhigtay hab saddex geesood ah, isla markaana ay duulaankaas ay u bixiyeen magaca "Samriye" taas oo muujinaysa in Somaliland ay ka shaqaynayso weerraro ay ka geystaan deegaannada maamulka SSCKH.
Geesta kale wararka amniga oo ay bixinayaan ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in magaalada Caynaba iyo Qorilugud laga saaray dadkii shacabka ahaa ee halkaas degenaa.
Duulaankan Somaliland qorshaysay ayaa ku soo aadaya xilli odayaasha gogol-u-xaadhka nabadda ee Ergada uu horkacayo Garaad kulmiye Garaad Maxammed ay dhawaan tageen magaalada Hargeysa halkaas oo ay kula kulmeen madaxda maamulka Somaliland, culimada iyo salaadiinta, sidoo kale weftidaas ayaa horay u yimid magaalada Laasacaanood ee caasimadda maamulka SSCKH oo ay kula kulmeen madaxda maamulka SSCKH, Culimada iyo golaha dhaqanka sare ee deegaanka.
Yusuf Sahardid.