19/06/2025
Suโaalaha ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay Telaabiib: Ma jabtay Israaโiil? Ma guuleysatay Iran? Maxaa laga baranayaa weerarkii saakay?
Horraantii saakay, Iran waxay qaaday mid ka mid ah weerarrada ugu qoto dheer uguna abaabulan ee milatari tan iyo bilowgii xiisadda tooska ah ee kala dhaxaysa Israaโiil. Gantaallo istiraatiiji ah oo masaafado dheer ah ayaa si toos ah u beegsaday saldhigyo milatari iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla Telaabiib โ iyagoo jebiyay nidaamyadii difaaca ee Israaโiil ay dunida u tusaysay inay yihiin kuwa ugu awoodda badan.
Laakiin waxa dagaalkan ka dhigay mid taariikhi ah ma ahayn kaliya gantaallaha la riday, ee waa maskaxda, sirdoonka, iyo xeeladda lagu dhisay qorshaha weerarka. Iran waxay dagaalka ku wajahday hab ay xitaa quwadaha waaweyn wax ka baranayaan: xeelado dabacsan oo amni, warar marin-habaabin ah, fursad goโaan leh, iyo halganka maskaxeed ee looga badiyay hayโadihii sirdoonka Israaโiil.
Habka khiyaanada Istiraatiijiga ah ee Iran:
Qorshaha Iran wuxuu ka bilowday abuurista dareen marin-habaabin ah oo dhex galay talisyada Israaโiil. Warar laga sii daayay ilo la qorsheeyay ayaa tilmaamayay in gantaallaha Iran si weyn loo burburiyay kadib duqeymo Israaโiil ay dhowaan ka geysatay gudaha Iran. Tani waxay abuurtay niyad degganaansho aan la garanayn khatarta dhabta ah ee soo socota.
Hayโadaha sirdoonka Israaโiil, oo muddo lagu amaani jiray feejignaan iyo xog ururin, waxay qirteen inay il-duufeen. Dhammaan muuqaalka sirdoonku wuxuu u qotomay beentii ay Iran faafisay si ay uga dhigaan meel nugul oo duullaan suurtagal ah Israaโiil.
Gantaalladii la riday: Saameynta iyo farriinta
maskaxeed
Gantaallada la isticmaalay waxay ahaayeen kuwo leh:
โขXawaare sare
โขFarsamo qarsoon oo aan si sahal ah loo ogaan
โขHagid sax ah
โขIyo awood burburin oo ballaaran
Waxaa la xaqiijiyay in qaar kamid ah gantaalladaasi ay gaareen bartilmaameedyo aad u xasaasi ah oo u dhow xarumaha amni iyo Siyaasadda ee Israaโiil, sida xarumaha saldhigga dhexe ee militariga saldhigyada isgaarsiinta milatari. Telaabiibโ oo ah maskaxda taliska Israaโiil โ waa la garaacay.
Khasaaraha la sheegay wuxuu isugu jiraa:
โขQasaare naf iyo dhaawacyo culus
โขBurbur ku yimid xarumo muhiim ah oo milatari
Cabsi iyo niyad jab ku faafay gudaha shacabka iyo
ciidan
โขDhammaan waxay tilmaamayaan in Iran ay ahayd mid si buuxda u diyaarsan, weerarkuna uu ahaa mid aan waxba uga tagin fursad is-difaac oo degdeg ah.
Wajigii Dagaalka Israaโiil: dhaawac sumad iyo
istaraarijiyadeed
Israaโiil oo marar badan ku faani jirtay nidaamkeeda difaaca, gaar ahaan Iron Dome, waxay la kulantay jab maskaxeed iyo mid sumadeed oo aan la dafiri karin. Waxaa si toos ah loo arkay:
โขIn nidaamka difaaca cirka ee la rumaysan yahay in uu yahay hormuudka dunida uu ku guul darreystay inuu ka hortago duqeynta Iran.
โขIn talisyada sirdoonka Israaโiil aysan la jaanqaadi karin xeeladaha maskaxeed ee cusub ee Iran.
โขIyo in bulshada Israaโiil ay si toos ah u dareemayso in dagaalkii h**e ee duullaanka ahaa uu isu rogay mid difaac ah oo aan la filaynin.
โขWaa markii ugu horreysay ee Israaโiil la kulanto weerar noocan ah oo ka yimaada dal masaafo fog ka jira, iyadoo gantaallo si toos ah u galaan xarumo istiraatiiji ah oo gudaha ku yaalla.
Waa maxay ujeeddada ayay weerarkan ka leedahay Iran?
Iran ma doonayso dagaal toos ah oo dhammaystiran, balse waxay rabtaa:
โขInay caddayso inaysan la garaaci karin iyadoo aan laga helin jawaab.
โขInay burburiso niyadda ciidanka iyo shacabka Israaโiil.
โขInay beesha caalamka tusiso in haddii Israaโiil ay duqeymo gaysato, jawaab ka weyn ay iman karto.
Weerarkan wuxuu ka tarjumiyaa awoodda Iran ee ah in aysan sugin, balse ay weerar toos ah qaadi karto markay dareento in khatarta ay gaartey meel aan laga aamusin karin.
Haddii Iran sii wado weerarradan maxaa ku dhacaya Israaโiil?
Waxaa axaa dhici karta in Israaโiil la kulanto:
โขBurbur niyadeed oo gudaha ah
โขDib u dhac ku yimaada nidaamyada sirdoon iyo difaac
โขKalsooni-beel ku timaada xiriirkeeda caalamiga ah
Weerarradan oo sii socda waxay u rogi karaan Israaโiil dal difaacaya magaalooyinkiisa halkii uu ahaa dal duullaan ah. Tani waa is-beddel dhanka halbeegga istiraatiijiyadda dagaal ee gobolka.
Iran waxay dagaalka u rogtay mid sirdoon, maskax, iyo xilliga la fulinayo oo ah waqti sax oo natiijo lagu gaarayo. Ma aha dagaal xabbad keliya ah, balse waa dagaal lagu burburiyay garaadkii amni ee Israaโiil.
Israaโiil maanta waxay taagan tahay meel aysan h**ey u taagnaan! Waa dagaal ay guushu tahay mid maskaxeed ka hor inta aysan noqon mid ciidan. Iranse waxay dagaalkaas kaga guuleysatay miiska istiraatiijiyadda. Dagaalku wuu soconayaa โbalse waxaa guuleysanaya cidda la timaada adkaysi iyo istaraatijiyad dagaal!