02/11/2025
Ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha Suuriya iyo Lubnaan oo sidoo kale safiirka Mareykanka ee Turkiga , Tom Barrack ayaa waraysi uu maanta bixiyay wuxuu kaga hadlay xaaladda Lubnaan ;
“Lubnaan waa dal fashilmay. Ma jiro Banki dhexe oo shaqeynaya, nidaamka bankiyada way burbureen.
Koronto ma jirto , dadka waxay ku tiirsan yihiin matoorro gaar loo leeyahay. Biyaha iyo waxbarashadana, waa adeeg ay dad gaar ah gacanta ku hayaan. Markaa waa maxay dawladdaa? Dawladda dhabta ah waa Xisbullah. Koonfurta Lubnaan, Xisbullah ayaa bixiya biyaha iyo waxbarashada. Xisbullah waxay haysataa 40,000 askari, halka ciidamada Lubnaan (LAF) ay yihiin 60,000. Laakiin askariga Xisbullah wuxuu qaataa mushahar dhan $2,200 bishii, askariga LAF-na kaliya $275. Xisbullah wuxuu haysataa 15,000 ilaa 20,000 gantaal iyo madfac, halka ciidamada LAF ay haystaan jeepas duug ah iyo AK-47s. Markaa maxaa halkan ka soconaya?”