23/05/2018
WARBIXIN
Dukumeenti aan taariikh iyo sexeex toona wadan oo ka soo baxay wakaaladda dhexe ee sirdoonka Maraykanka (CIA) ayaa cinwaan looga dhigay: “Diraasad ku saabsan qafaalashada: qeexitaan, fulin, iyo sababayn.”
Waxa loo badinayaa inay u noqonayso sannadii 1953 oo ay ka mid ahayd kun iyo afar boqol oo dukumeenti sir ahaa oo daaha laga rogay, qaybna ka ahaa boqol kun oo dukumeenti oo la xidhiida ka qaybgalkii Maraykanka ee qarsoodiga ahaa ee rididda madaxweynihii Guatemala; Jacobo Árbenz, ee sida dimuqraadiga ah loo soo doortay sannadkii 1950. Iyadoo Maraykanku taageeray afganbigii jenaraal Carlos Costello, xilligii ay socdeen xiisadihii dagaalkii qaboobaa. Waxaana xogtan lagu soo shaac saaray qaanuunka xoriyadda xogta ee 15 May 1997.
Waxay dukumentiyadani sheegayaan in siddeed iyo konton masuul oo Guatemala u dhashay ay CIA-du ku beegsatay dil intii u afganbigu socday. Intii u dhexaysay sannadihii 1954 iyo 1990, waxay talisyadii miletariga ahaa ee kala danbeeyay, Maraykankuna uu gacan siinayay, ay Guatemala ku dileen in ka badan boqol iyo siddeentan kun oo qof.
Waxay muujiyeen dukumentiyadan xilliga h**e soo baxay fududaanta agabka iyo hababka loo adeegsaday dilka si loo xaqiijiyo dano siyaasadeed, oo la heer ahaa cabbirka horumarka tiknoolijiyadda xilligaas jiray, marka la eego hurmarka ku yimi samaynta hubka; oo hubka la adeegsaday wuxuu ahaa labada gacmood in wax lagu dilo, hubka qarxa, sumayn iyo hubka cad.
Ilaa wakhti dhow, qafaalashada iyo dilka beegsashada ahi suuragal muu ahayn ilaa cidda la beegsanayo si toosa la iskaga hor yimaaddo. Waxaana taasi uga baahatay cidda fulinaysa ku dhac, oo waxay badanaa keensataa dhimashada la beegsadaha oo keliya.
Maanta se waxa horumaray tiknoolijiyadda, waana laga gudbay in la beegsadaha si toosa loo waajaho, meeshana ku dhawaad way ka baxday dhibta soo gaadhi karta cidda fulinaysa. Laakiin waxyeellada akhlaaqeed iyo waydiimaha qaanuun way burinayaan fikradda “caqlibadnida tiknooljiyadda” taas oo biniaadanku u adeegsaday muujinta sarrayntiisa.
Dilka beegsashada ah ee aan ula jeedna maqaalkan gudhiisu wuxuu yahay ”adeegsiga ula kaca ah ee loo kaso in awood dilaa ah loo adeegsado xaqiijinta dano siyaasadeed oo laga leeyahay cid ka baxsan awoodda ama wisaayada cidda dilka fulinaysa, taas oo lagu fuliyo tiknoolijiyadda loo yaqaan Unmanned Aerial Vehicles- UAV ama diyaaradaha bilaa duuliyaha ah oo loo yaqaan Drones.
Waa maxay Dronesku?
Markii ay soo baxeen hawlgallada ururka Alqaacida bilowgii sagaashanaadkii, “argagaxisadu” may ahayn qaddiyad ku weyn siyaasadda dibadda ee Maraykanka, oo wakhtigaa wuxuu Maraykanku faraha kula sii jiray weli culaysyadii siyaasadeed ee xiliigii dagaalka qaboobaa. Waxa waaqic cusub ku dhalisay siyaasadda dibadda ee Markaykanka weerarradii Sebtembar oo jidka u jeexay mashruuc ballaadhan oo lagu magacaabay “la dagaallanka aragagixisada.”
Diraasad ay si wadaaga u soo bandhigeen labada cilmibaadhe; Daivod Gruy iyo Jouseph Karam, oo cinwankeedu yahay (Waxyeellada dorneska iyo isbeddelka gaareed ee istaatijiyadda Maraykanka ee la dagaallanka aragagixisada) oo ka soo baxday sannadkii 2014 jaamacadda Norwich waaxdeeda diraasadaha amniga iyo milteriga, lagana tixgeliyo wakaaladda amniga Markaykanka, ayay ku soo koobeen laynmanka waaweyn ee istraatiijyadda droneska.
Wuxuu u arkaa maamulka Markaykanku adeegsashada xooggan ee droneska in loo adeegsado hub istiraatiiji, mid jawaab toosa u ah hababka ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ah, ee aan aqoonsanayn qaanuunnada dawladaha iyo madaxbannaanidooda toona, waxayna si xor ah oo fudud iskaga gudbaan xuduudaha, oo waxay xasaanad ku leeyihiin gobollada saldhigayada u ah ee caalamka oo badidood aan lahayn awood xukuumadeed oo dhamaystiran ama awood sharci xoog leh. Waana arrinta siisay ururrada Maraykanku u yaqaan “horor” marmarsiyo ay ku waajahaan dawladaha qawmiga. Iyagoo aragtidaa ka duulaya, dronesku waxay carqalad ku yihiin korriinka ururradaa, waxayna ku sababeeyaan inay dibugarasho ku dhacdo awoodaheeda hoggaamineed iyo shaqagelin, iyo inay helaan hoy aamina oo ay dunida ku yeeshaan, iyagoon dagaal caadi ah kaga hor iman.
Samaynta dronesku—si guud—waa ay ka jaban yihiin diyaaradaha ay duuliyaashu wadaan, wuxuuna Maraykanku u adeegsadaa saddex sababood oo asaasi ah:
- Inay taageero farsamo ugu fidiso ciidan dhulka jooga, sida xaaladihii duullaannadii Afgaanistan iyo Ciraaq, iyo Soomaaliya oo uu Maraykanku ku taageerayay duullaankii Itoobbiya ee sannadkii 2007.
- Beegsashada xubno ka tirsan ururka Alqaacida iyo ururrada ay xulafada yihiin ama kuwa la midka ah, oo hoos taga mashruuca “la dagaallanka aragagixisada”; ee Afganishtan, Bakistaan, Yaman, Soomaaliya, Filibbiin, Maali, Liibya, Suuriya, iyo meelo kale.
- Fulinta hawlgallada sirdoonka, dabagalka iyo indo-indhaynta; ISR.
Qaanuunjebin mise Qaanuun jaban?
Waxa ka muuqda istraatiijiyadda droneska madmadow iyo iswaafaqid la’aan, marka la eego seeska ay ku taagan tahay oo ah nooc aan h**e loo arag cunfiga dawladda ay ka geysanayo dibadda xuduuddeeda. Waxayna dhalisay dood ballaadhan oo ku saabsan dhinacyadeeda qaanuun.
B- Awoodda qaanuunka maxalliga ah:
Maqaal cilmi ah oo lagu faafiyay sannadkii 2013 majaladda kuliyadda qaanuunka ee jaamacadda George Town oo cinwaankeedu yahay (Dilka beegsashada ah iyo la xisaabtanka); wuxuu ku sheegayaa macallinka kaaliyaha qaanuunka, Gregory Macneill, in ay maamulkii Bushkii inanka ahaa iyo Obama u adeegsadeen xaqa distooriga ah ee madaxweynuhu u leeyahay in uu adeegsado awooddiisa isagoon ku qasbanayn in uu wax ka waydiiyo kngareska si ay qiil sharci ugu helaan gudaha Maraykanka istariijiyadda droneska. Maaddaama oo madaxwaynuhu yahay hoggmiyaha sare ee ciidanka qalabka sida.
Isagoo qodobkaa sii daba jooga, wuxuu kongaresku banneeyay sannadkii 2011 ka dib weerarradii Sebtembar mashruuca qaraar ee: u adeegsida awooda malteri – Use of Military Force (AUMF), oo loo qaatay dagaal ku dhawaaqid. Wuxuuna u bannaynayaa madaxweynaha adeegsiga awood kasta oo uu u baahdo una arko inay ku munaasab tahay dadkii ka danbeeyay weerarradii Sebtembar. Mar danbe sanadkii 2012 wuxuu kongaresku banneeyay mashruuc qaraar kale; qaanuunka oggolaanshaha difaaca waddaniga ah – National Defense Authorization Act (NDAA). Sidaas ayay fikradda guud ee “distooriga ah” ee ay mareen labadii maamul ee Bushkii inanka ahaa iyo Obama looga ansixiyay dhanka ha’yadda sharcidejinta.
Ka sokow labadaa mashruuc, awoodda fulineed aad bay ugu talaxtagtay adeegsiga masaladaa ilaa sannadkii 2003. Iyadoo adeegsanaysa mashruuc saddexaad; cidhibtiridda ururka Alqaacida – Al Qaeda Network Execute OrdeIsagoo qodobkaa sii daba jooga, wuxuu kongaresku banneeyay sannadkii 2011 ka dib weerarradii Sebtembar mashruuca qaraar ee: u adeegsida awooda malteri – Use of Military Force (AUMF), oo loo qaatay dagaal ku dhawaaqid. Wuxuuna u bannaynayaa madaxweynaha adeegsiga awood kasta oo uu u baahdo una arko inay ku munaasab tahay dadkii ka danbeeyay weerarradii Sebtembar. Mar danbe sanadkii 2012 wuxuu kongaresku banneeyay mashruuc qaraar kale; qaanuunka oggolaanshaha difaaca waddaniga ah – National Defense Authorization Act (NDAA). Sidaas ayay fikradda guud ee “distooriga ah” ee ay mareen labadii maamul ee Bushkii inanka ahaa iyo Obama looga ansixiyay dhanka ha’yadda sharcidejinta.
Qaanuunkani wuxuu u oggolaanayaa waaxda hawlgallada wadaagga gaarka ah (Joint Special Operations Command –JSOC) inay bilowdo hawlgalladeeda ay kaga soo horjeeddo ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ah ee xudduuda Maraykanka ka baxsan, oo ay ka mid yihiin goobaha una Marayknku iclaamin inuu dagaal toos ah kula jiro; isaga oo aan u baahan—badanaa—in uu wax ka waydiiyo madaxweynaha ama wasiirka gaashaandhigga si loogu helo oggolaansho dheeraad ah wixii la xidhiidha hawlgalladaa. Ka bilow ururinta xogta sirdoonka ilaa laga gaadhayo fulinta dilka.
Macneill wuxuu leeyahay in qawaaniinta u adeegtay xaaladaha gaar ah, sida Soomaaliya, oo ah dawlad fashilantay oo aan awoodin inay qabsato masuuliyadaheeda amni laakiin xidhiidh adag la leh Maraykanka. Xaaladaha iyaga ah, waxa hawlgallada dilka beegsashada ahi u baahdeen helidda oggolaansha Bentagoonka. Dhanka gobollada leh khatarro degelsiyaasadeed (geopolitical) ah, sida Baakistaan ama Suuriya, waxay hawlgallada dilka beegsashada ahi u baahdeen inay oggolaansho ka helaan madaxweynaha laftigiisa.
T- Awoodda qaanuunka caalamiga ah
Wuxuu sii sharxayaa Macneill dhinacyada qaanuun, wuxuuna sheegayaa in Maraykanku adeegsado labo tiir si uu u sharciyeeyo istraariijiyadda droneska marka laga eego qaanuunka caalamiga ah:
Ka h**e waa: Jus in bello (qaanuunka dagaalka)
Maraykanku wuxuu isu arkaa in uu ku qasban yahay dhawridda mabaadi’da aasaasiga ah ee qaanunka binaadantinnimo ee caalamiga ah, inta ay ku guda jirto laba nooc oo ka mida dagaallada ba’an ee ay dunida ka waddo; dagaallo hubaysan oo aan caalami ahayn (Transnational Non-International Armed Conflict), oo isagu iskaga gudba xuduudaha dalalka, aan lahaynna dabarro juquraafi inta uu iska horimaadku socdo. Iyo dagaal hubaysan oo soojireen ah oo aan caalami ahayn (Traditional Non-International Armed Conflict); waa marka uu talis xulafo la ah Maraykanka uu dagaal kaga soo horjeedo koox hubaysan oo gudaha xuduuddiisa joogta. Maraykankuna wuxuu u garab istaagaa dagaalka uu xaliiskiisu kula jiro sida uu u arko inay munaasab ku tahay.
Ka labaadina waa: Jus ad bellum (dagaalka xaqa ah)
Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu reebayaa ku hanjabidda adeegsiga awoodda, ama u adeegsiga qaab ka soo horjeeda madaxbannaanida siyaasadeed ee ay leedahay dawlad waliba. Sidoo kale wuxuu reebayaa nooc kasta oo ah hawlgallada dilka beegshada ah ee ka baxsan dawladda duullaanka ah xuduuddeeda, ilaa ay ka Golaha Amniga hesha oggolaanshaha adeegsiga awoodda lagaga soo horjeedo dawlad/urur “horor ah” mooyiye, ama xaaladaha siinaya xaqa dabiiciga ah ee ay dawladuhu u leeyhiin naf difaacidda. Wuxuu Maraykanku u arkaa in dronesku ay soo hoos gelayaan xaaladda naf difaaca, haba la aado oggolaasho rasmi ah adeegsigooda oo uu ka helo Golaha Amniga e.
Galdaloollo iyo diidmooyin:
Mabaaddi’ida aasaasiga ah ee qaanuunka caalamiga ahi way micno beeshay intuu dhashay dagaalka dronesku; waxaana soo baxay khalkhalka ku jira xakamayntiisa iyo halbeegyadiisa. Iyadoo ay jiraan wax badan oo aynaan ka garanayn dagaalkaa madowgu ku dheehan yahay. Laakiin tibaaxaha iyo warbixinnada masuuliyiinta Markaykanka ee shakiga leh, yaraanta dukumeentiyada xukuumadeed ee la soo dusiyay, yaraanta warbixinnada dabagalka saxaafadeed, iyo tusmooyinka yaalla dhulka ee raadadka weerarrada droenska; dhammaantood waxay caddaynayaan in seeska qaanuuneed ee istraatiijiyadda dronesku ayna u ekeyn mid cago adag ku taagan.
1-Baqaha halis “soo fool leh”:
Wuxuu maamulkii Obama xilka qabtay iyadoo xafiiska guriga cadi uu ku jiro xaaladdiisii dhaqaale tii ugu liidatay. Sidaa darteed waajihidda dhibaatooyinka gudaha yaal ayaa ugu muhiimsanaa maamulkiisa. Balse danaha Maraykanka ee caalamka ayaa suuragalin waayay in uu Maraykanku ku laabto siyaasadihiisii go’odoonka ahaa ee uu qaatay soddomeeyadii qarnigii tegay. Sidaa awgeed wuxuu maamulka Obama dejiyay istiraatiijiyadda leading frombehind/hagidda daahsoon; si ay xal dhexe ugu noqoto damaanadqaadidda ilaalinta hoggaanka Maraykanka ee caalamka iyo si ay sarrayntiisa miletari sii jirto, iyadoo jaanis ku filan la siinayo xoog saaridda siyaadaha gudaha. Wakhtigaa wuxuu Obama ka soo saaray ciidamadiisa Afganistan iyo Ciraaq, wuxuuna iska ilaaliyay gelitaanka dagaallo cusub. Wuxu kor u soo qaaday droneska, uuna soo gaadhiisay istiraatiijiyadda “la dagaallanka argagixisada”, iyadoo ay jirto in markii uu ololaynayay uu arrinkaa ku dhaliili jiray maamulkii isaga arrinkaa uga horreeyay.
Wuxuu Obama ka jeediyay mid ka mida khudbadihiisa la xidhiidha mawduuca amniga qaranka jaamacadda difaaca waddaniga ah (NDU) ee Washington 23 May 2013. Wixii ugu muhiimsanaa ee uu kaga hadlay khadbaddiisu wuxuu ahaa mashruuca “la dagaallanaka argagixisada” iyo istraatiijiyadda droneska, wuuxuna adkeeyay in Maraykanku la dagaallami doona “argagixisada halista ku ah joogtada ee soo ku soo fool leh bulshada Maraykanka”; isagoo difaacaya dronenska.
Diraasad cinwaankeedu yahay (Droneska iyo xeerka qaanuunka caalamiga ah) oo ka soo baxday jaamacadda George Town sannadkii 2014; waxay gabadh cilmibaadhe ah oo la yidhaa Rosa Brooks soo bandhigtay waydiin la xidhiidha micnaha “halista soo fool leh/imminent threat,” waxayna sheegaysaa in khubarada qaanuunka caalamiga ahi isku raacday in “halista soo fool lehi ay tahay ta markaa taagan ee la taaban karo, ayna se ahayn halis isdareensiin ku dhisan, ama mid fog, ama mid malayn ah".
Laakiin micnuhu wuxuu qaaday jid kale sida ka muuqatay dukumeenti rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda caddaaladda Maraykanka sannadkii 2011. Waxay sheegtay in Maraykanku aanu u baahnayn jiritaanka daliillo cad oo muujinaya in ay jiraan weerarro xaddidan oo ku dhici doona qofaf Markaykan ah ama dano Maraykanku leeyahay mustaqbalka si uu u adeegsada awoodda militari, haddii aan lagaga hortagin droneska ama hab kale oo weerar ah, iyadoo lagu dhisayo isqancin sheegaysay in xubnaha ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ahi ay si joogta ah u abaabulayaan fulinta weerarro, ayna fulinayaan haddii ay fursad u helaan.
Wuxuuna dukmeentigu ku soo ururinayaa inay xukuumadda Markaykanku ayna ogayn dhammaan maleegyada ay wadaan ururka Alqaacida iyo ururrada la midka ahi, taasoo ka dhigan inayna hubin in ay dhici doonaan weerarro soo fool leh mustaqbalka. Taasaa ka dhigaysa ururradan—waa sida dukmeentigu qabee—inay yhihiin “halis joogta ah oo soo fool leh” wakhti kasta, waxayna noqonaysaa arrin “sharci” ah in la beegsado xubnahaa xitaa haddii aan la hayn xog sax ah ama sugan oo xidhiidh la leh in ururku maleegayo weerarro la taaban karo oo isla markaa taagan.